Qareenkii daafacayay dhakhtarkii kashifay Osama Bin Laden oo la diley

0
239

Istanbul(INO)-Qareenkii hore ee dhakhtar Shakil Afridi oo ahaa qofkii ka caawiyay dowlada Maraykanka in ay helaan halka uu ku nool yahay Osama Bin Laden ayaa lagu diley magaalada Peshawar ee dalka Pakistan.

Dabley hubeysan ayaa rasaas ku furtay Samiullah Afridi xilli uu ku sii jeeday gurigiisa waxana uu u dhintey dhaawacyadii ka soo gaartay rasaastaas.

Qareenkan ayaa dhowaan ku soo laabtay dalka Pakistan kadib markii uu ka tegey dalkaasi isagoo sheegay in loo hanjabay sidaa darteedna uu ugaga haray dacwada Dr Shakil Afridi sanadkii hore. Dilka qareenka ayaa waxaa sheegtay ururka Daalibaan ee sida xoogan ugaga soo horjeeda dowlada Pakistan.

Dr Afridi, oo aan wax xiriir dhinaca qoyska ah la lahayn Samiullah ayaa racfaan ka qaatay xukun 33 sano oo xarig ah ay ku xukuntay maxkamad ku taal dalka Pakistan iyadoo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay ururka Lashkar-e-Islam ee ka dhisan gobolka Khyber halkaa uu dhakhtarku ka soo jeedo

Hase ahaatee qoyska dhakhtarka ayaa waxa ay ku tilmaameen eedeeyntaa mid been ah, waxayna dad badan u arkaan xukunkan inuu yahay mid lagu ciqaabayo kaalmadii uu siiyay Maraykanka ee ahaa dilkii hogaamiyihii hore ee ururka Alqaacida Osama Bin Laden.

Waxana uu Dr Afridi abaabulay tallaal been ah kaasoo qorshuhu ahaa in lagu soo ururiyo dhiiga DNA-da ee dadka ku noolaa dhismihii hogaamiyihii hore ee Alqaacida ka degenaa dalka Pakistan.

Xariga Dhakhtarka ayaa aad u dhaawacay xiriirka Maraykanka iyo Pakistan kadib markii ciidamada Maraykanka ay weerar ku qaadeen gurigii uu ku noolaa Osama Bin Laden iyagoo aan wax fasax ah weydiisan xukuumada Islamabad.

Samiullah Afridi oo ah qareenka la toogtay ayaa sanadkii aynu soo dhaafnay cadeeyay in uu ka haray dacwada dhakhtarka oo uu markii hore u galay si bani’aadanimo ah.

Idale News Online, Istabul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here