Dhegeyso :Puntland Oo Loo Diray Fariin Cabsi Leh + Masuul Caan ah Oo Hadlay

0
236

Garowe(INO)-Suldaan Abdicasiis Omar Daad (Suldaan Beyle) ahna Gudoomiyaha dhaqanka Somaaliyeed ergada fadhida shirka maamul usameynta gobalada dhexe, Kana soo jeeda magaalada Caabduwaaq oo waraysi siiyey Madasha #60 ka tasoo uu kaga jawaabay su’aalo culculus oo laga waydiiyey xaalada shirka kasocda degmada cadaado meesha uu marayon hada.

Suldaan Beyle ayaa ka jawaabay Su’aalo ay ka mid ahaayeen. 1. waxaan ognahey in Puntland diidey shirka halkaas kasocda? 2 sidee u ragtaa diidmada maamulka P/land uu diidey in gobalka mudug lawada raaciyo gobalka galgaduud?

3 sidee kuula muuqataa in Puntland ey xabsi kuxunto ergadii kasocotey gobalka mudug? Su’aalaas iyo kuwa kale ayuu si layaableh kajawaabey wuxuuna kunuuxnuuxsadey inuu kamid yahey ergada kasocota gobalka mudug isla markaan wakiil ka ah shacabkiisa Puntland eysan ishor istaagi karin dadka rabitaankiisa isla markaasna eysan aqbalikarin kala goynta gobalka mudug.

Sidoo kale mar laweydiiyey su’aal aheyd adigoo kamid mid ahaa hogaamiye dhaqameydkii somaliyeed oo hada kohor tagey magaalada Hargeisa aad sheegtey in maamulka Somaliland ictiraaftey ? maantana aad qeyb kamid ah maamulka Puntland ku dareysid gobalka Galgaduud ?

Idale News Online, Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here