Muqdisho(INO)-Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa si aan la arag waxa uu ugu hanjabay maamulka Somaliland, gaar ahaan ciidamada ka jooga degmada Laascaanood iyo deegaanada kale ee maamulkiisa ka taliyo.
Waxa uu sheegay in wada hadal ay diideen Somaliand, iyaguna ay diyaar u ahaayeen in nabadda ka wada shaqeeyaan, hase ahaatee hadii sheekadu ay awood isku bedashay aysan iyaguna gacmaha laaban doonin.
“Anaga wada hadal waan rabnay laakiinse waa la diiday, sidaa darteed gacmaha ma laaban donno oo waan iska celinaynaa cid walba oo anaga nagu soo duushay”
Galeyr ayaa sheegay in hadda ay wadaan abaabulkii ugu dambeeyay ee maamulkooda ku geynayaan gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn, waa sida uu hadalka u sheegaye.
Idale News Online, Muqdisho