Daawo: Midowga Ardeyda Soomaaliyeed Ee Istanbuul Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiyey Aqoonyahan Eng.Hashim Abdullah Abdi

0
251

Istanbul(INO)- Midowga Ardeyda Soomaaliyeed Ee Waxkabarata Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxay shahaado sharaf ay Gudoonsiyeen Aqoonyahan Eng.Hashim Abdullah Abdi.

Munaasabada lagu gudoonsiinayey  ayaa waxaa ka soo qiibgaley waxgaradka soomaaliyeed ee ku nool magaalada istabuul iyo ardeyda soomaaliyeed ee garowsadey in  shahaado sharaf ay ku gudoonsiyaan aqoon yahanku.

Midowga ardeyda soomaliyeed ee turkiga ayaa waxay  Eng,Hashim Abdullah Abdi ay kuamaaneen inuu yahay qof waxtar bulshada ku dhex leh  isla markaana  diiri galin u sameeyo bulshada dhan waliba sida is dhexgalka iyo kana shaqenaaya midnimada soomaaliya.

Anagoo Qadarineyna,Shaqasiga Bulshada Kaga jira Kaalinta Sharafta leh, waxaan go’aansaney inan ku gudoonsiino Shahaado Sharaftan,oo ah kor u qaadista iyo Karaameynta shaqsi weliba oo bushada Ka gala Kaalin Wanaagsan” ayey yirahdeen Midowga Ardeyda soomaaliyeed Ee Istanbuul.

Gudoomiyaha Ardeyda soomaaliyeed ee magaalada Istanbuul Jaamac Cabdi Jaamac iyo Gudigiisa ayaa gudoonsiyey shahaada sharafta.

Ugu dambeyntii, aqoonyahan Eng.Hashim Abdullah  ayaa u mahadceliyey dhamaan areyda sida weyn ee isugu duuban yihiin, isla markaana waxa uu sheegey in tani sii shideyso dareenkiisa ku aadan wacyigalinta Bulshada Isla markaana Sii wadi doono wacyigalinta iyo toosinta bulshada soomaaliyeed.

Halkan Ka Daawo.

 

Idale News Online,Istanbul.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here