Dhageyso: Dowlada KGS Oo Shuruudo Adag Ka Soo Saartey Magaal Gashiga Degaanada KGS

0
217

Marka(INO)- Dowlada Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in aan haba yaraatee waxba Maalgalin ah lagu sameyn Karin dhul beeredyada kuyaala gobalka Shabeelada Hoose, oo ay kuyaalan Kumanaan Higtar oo beero ah, kuwas oo dhawaanahan maalgalin ay ku wadaan ganacsato badan oo Soomaaliyeed.

Wasiirada KG somalia

Wasiirka Ganacsiga ee maamulkaas ayaa sheegay in ay jiraan caqabado badan oo ka soo laabtay, gaar ahaana dhulalka oo badankooda lahaanshahooda laysku haysto, loogana baahan yahay dhamaanba cid kasta in ay si xalaal ah wax umaalgashato.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ku jiraan dajinta sharuucda maalgalinta, oo uu sheegay in ay hada dhamaad ku dhaw yihiin, wuxuuna shegay in ay taxadar dheeraad ah ka qabaan arrimaha isku qabsiga beeraha lamaalgaliyey.

Gobalka Shabeelada Hoose oo ka mid ah gobalada ugu wax soo saarka badan Koonfurta Soomaaliya ayaa badankiisa laysku haystaa beeraha, waxaana ay ka mid yihiin meelaha hantida ugu badan ee Soomaaliyeed lagu kala haysto.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here