Baydhabo(INO)- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan SH Aadan ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada uu ka arimiyo maamulkisu iney u diyaar garoobaan dagaal adag oo lala galayo Al-shabaabka ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in dhulku uusan nabad ahayn wuxuuna daboolka ka qaaday iney wadaan qorshe ay ku doonayaan iney Al-shabaab kaga sifeeyaan guud ahaan deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolada Baay,Bakool iyo SH/hoose.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa tilmaamay iney ku jiraan xabsi dusha ka furan sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna carrabka ku adkeeyey ineysan jirin meel nabad ah,isagoona ugu baaqay qaybaha kala gadisan ee bulshada iney ka taageeraan maamulkiisa sidii Al-shabaab loola dagaalami lahaa.
Wuxuuna dhanka kale sheegay iney wadaan qorshe lagu heshiisiinayo beelaha walaalaha ah ee wax kala tabanaya si looga gudbo khilaafka iyo isqabqabsiga bulshada dhexdeeda ah,wuxuuna sidoo kale sheegay in maadaama uu soo dhammaaday wajigii koowaad ee dhismaha golaha wasiirada maamulkiisa ay hadda guda galayaan soo xulista xubnaha baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa ugu danbeyntii ka dalbaday xubnaha golihiisa wasiirada iney si wanaagsan ula shaqeeyaan si shacabka looga saaro dhibaatada haysata.
Halkan Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Shariif Xasan
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.