Dowladda Soomaaliya Oo Xaqiijisay Geerida Madaxii Sirdioonka Al-Shabaab

0
259

Muqdisho(INO-Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay geerida Madaxii Sirdoonka Al Shabaab Abdi Nur Mahdi, oo loo yaqaano Yuusuf Dheeg.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda ay soo dhaweeneyso Geerida Yuusuf Dheeg.

Duqeyn Diyaaradaha Mareykanka ay todobaad ka hor ka fuliyeen  Magaalada Diinsoor ee gobolka ayaa waxa ay ku sheegeen inay beegsadeen Madaxii Sirdoonka Shabaab hase yeeshee Mareykanka waa uu ka gaabsaday xaqiijinta qasaaraha ay geysatay Duqeynta.

Tani waxa ay ka qeybqaadaneysaa Nabadda iyo daganaanta waxa ay muujineysaa sida ay u burbureen Shabaab ” ayaa laga yiri Warsaxaafadeedka.

Sheekh Attam iyo Zakariye Sheekh Ismaaciil oo ahaa Saraakiil sare oo ka tirsan Al Shabaab ayaa isku dhiibay dowladda Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here