Dowlada Soomaaliya oo Maamuli Doonto Aduun Dhan $400 Milyan oo Loogu Deeqay.

0
213

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda Soomaaliya  Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa maanta sheegay in ay si toos ah u maamuli doonaan lacag dhan 400 oo milyan oo dollar oo shalay loogu deeqay, kadib markii 25 sano kadib ay si rasmi ah uga mid noqotay dalalka ku bahoobay African Caribbean Pacific (ACP).

Qaloocow oo hadlay ayaa tilmaamay in kamid noqoshada dalalka ku bahoobay ACP ay wax badan ka tari doonto mashaariicda nabadda iyo horumarka ee Soomaaliya.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay soo cishato xubinnimada dhammaan hay’adihii ay ka tirsanaan jirtay kahor burburkii dalka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Muqdisho Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxa Midowga Yurub ee horumarinta iyo gargaarka, Andris Piebalgs ayaa shirkii 99-aad ee ACP oo shalay lagu qabtay magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiiska dib uga mid noqoshada Soomaaliya ee ACP.

Idale News Online, Muqdisho.