Daawo Sawirada Xulka Qaranka Wadankeena Soomaaliya oo ka qeyb galaya Tartanka Ciyaaraha…

0
275

Waxaa Maanta Magaalada Lausanne ee dalka Switzerland ka furmaya Swiss Open Taekwondo Championships 2014. waana cayaaraha tartamada Adduunka oo ay ka qeyb galeyaan Xulka qaranka Taekwondo-ga Soomaaliyeed iyo xulal kale oo dhowr ah.

Ciyaarahan ayaa loogu talo galay isku diyaarinta Ciyaaraha Olympikada aduunka oo ka dhici doono Brazil – Rio 2016-ka, Tartankan ayaa ka dhacayaa wadanka Switzerland magaalada Laussane waxuuna bilaabanayaa maanta oo sabti ah 07 June 2014 waxuuna dhamaan Doono bari oo Axad 8 June 2014.

Waxaa Soomaaliya uga qeyb gali doona Saddex cayaartooy Faysal Aweys, Maxamed Deeq Cabdulle iyo Saliima Ismaaciil oo gabar ah iyo tababarahooda oo udhashay wadanka Brazil  oo lagu magacaabo Elton.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xiriirka Taekwando-ga Ingineer Axmed Ciise Kirish ayaa sheegay in ay tartankan ay u soo diyaar garoobeen ayaa yiri ” Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca Xiriirka Soomaaliyeed ee Taekwondo-ga waxaa sharaf i noo ah inaan meel sare gaarsiinay cayaaraha Taek-waonduga”.

Ingineer Kirish ayaa intaa ku daray in ay bilado u soo hooy doonaan Ummadda Soomaaliyeed ayna ka farxin doonaan.

Xiriirka Taekwando-ga ayaa bilado ka soo hooyay tartankii Tunisia ka dhacay waxayna rajo ka leeyihiin in ay u soo baxaan cayaaraha Olombikada Adduunka oo 2016-ka lagu qaban doono dalka Brazil.

tek 1tek 2tek 3

 Idale News Online