Tony Blair oo Ku Baaqay In Meel La Iska Dhigo Arrinta Ukraine, Loona Midowo Dagaalka Islaamka Xagjirka Ah.

0
204

Ra’iisal wasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair ayaa  hadal uu siiyay BBC  ku yiri “ dowladaha waaweyn waa inay khilaafkooda ku aadan arinka Ukraine meel iska dhigaan oo ay u midoobaan la dagaalanka “xagjirka Islaamka”.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xili xiisadii Ruushka iyo reer galbeedka ay gaartay heerkii ugu sareysay, ayadoo madaxda reer galbeedka ay ku eedeynayaan Ruushka inay isticmaalayaan ciidamo si qarsoon howlgalo uga wada Ukraine.

Tony Blair wuxuu ku nuux nuuxsaday in ahmiyada la saaro sidii meel looga soo wada jeesan lahaa xagjrka Islaamka, reer galbeedkuna wuxuu ku booriyay inay Ruushka iyo China ay arinkaas inay la kaashadaan ay muhiim tahay.

Blair wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay faafitaanka Islaamiyiinta ay ku faafayaan caalamka. Wuxuuna yiri “ qatarta aan ka wajahayno Islaamiyiinta mayalka adag way sii kobceysaa  maalinba maalinta ka dambeysa waxayna ku sii fidayaan caalamka , inaguna waxaan u muuqanaa maanta kuwa daciifay oo aan lahayn awood ay kaga hortagaan”.

Idale News Online.