Wadanka Denmark Wiil Soomaali ah oo Toorey Caloosha dhex dhigay Hooyaddiisa.

0
203

Ciidamada Booliska magaalada Copenhagen ee dalka Denmarka ayaa baadi goob ugu jira wiil Soomaali ah oo la sheegay in gurigooda uu ku dilay hooyadiis, ka dibna baxsaday.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in wiilka la baadi goobayo oo 20 sano jir ah uu dilka hooyadiis u adeegsaday Toorey ama mindi, iyadoo illaa hadda aan la ogeyn sababta ku kaiftay wiilkaas inuu hooyadii dilo.

Dad deris la ahaa guriga hooyadaas lagu dhex dilay ayaa la sheegay iney Booliska wargeliyeen markii ay maqleen qeylada hooyadaas xiligii uu wiilkeeda mindida la dhacayey.

Hooyada la dilay ayaa la sheegay iney dhashay 8 caruur ah, iyadoo wiilka dilay ay boolisku sheegayaan inuu ku dhuumanayo xaafada uu hooyadiis ku dilay, waxaana falkan si weyn uga argagaxay Soomaalida ku nool dalka Demnark oo dhacdadan ay fajaciso ku noqotay.

europeUSApe

 

 Idale News Online