Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu dhameystiray xubnaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo kuxigeenadii hore qaarkood la bedelay.
Wareegtadan oo nuqul ka mid ah na soo gaartay ayaa waxaa kuxigeen loogu magacaabay Kamal Dahir Xasan oo loo yaqaanay Kamaal Gutaale oo ahaa Agaasimihii Madaxtooyada.
Kamal Gutale ayaa waxaa loo magacaabay Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada iyo dimoqraadiyeynta , waxaana xilka kuxigeenka dhinaca siyaasada iyo arrimaha bulshada laga qaaday Cali Axmed Guure.
Sidoo kale kuxigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyada waxaa loo magacaabay Ismaaciil Macalin Cabdi Guure, waxaana xilkaas laga qaaday Iimaan Nuur Iikar oo loogu bedelay Kuxigeenka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada.
Waxaa kaloo Gudoomiye kuxigeenka dhinaca amniga laga qaaday Warsame Maxamed Joodax, waxaana sida muuqata xilkaas amniga heynaya Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab, maadaama ay hoos tagayaan Talisyada Nabadsugida iyo Booliska Gobolka Banaadir.
Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabayMaxamed Sheekh Cilmi Maxamuud (Amiin) waxaana xilka laga qaaday C/kaafi Hilowle Cismaan.
Hadaba wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa sidan u qorneyd:-

