DAAWO SAWIRRADA: Wafdi uu Hogaaminayo Safiir Ku Xigeenka Turkiga oo Gaaray Magaalada Baydhabo Janaay

0
224

TURKIYEWafdi uu hor kacayo Kuxigeenka Safiirka Dalka Turkiga ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee caasimada Koonfur Galbeed

Waxaana Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud Wafdiga ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Baay iyo kan degmada Baydhabo.

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ay Kormeer ku sameeyeen Isbitaalka Guud ee Magaalada Baydhabo iyo Iskuulo dhowr ah.

Wafdiga ka socda dalka Turkiga ayaa ka warbixiyey ujeedka ay ku yimaadeen Baydhabo,waxaana ay sheegeen inay u kuur galayaan Xaalada caafimaad iyo mida Waxbarasho ee Magaalada Baydhabo.

Safiir ku xigeenka ayaa sheegay inay magaalada Baydhabo ka dhisi doonaan Isbitaal iyo Iskuulo.

DSC00262-700x300