Dhageyso: Axmed Madoobe oo shir Jaraa’id kaga hadley dagaaladii Kismaayo iyo Wada hadal Itoobiya ku dhex marey dowlada Federaalka iyo Maamulkiisa

0
224

Madaxweynaha Maamulka Jubaland State Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo la hadlaayey Television Somalia Channel ayaa ka waramey arrimo isugu jira dagaalkii ka dhacey Kismaayo, Shirkii Jubaland iyo Dowlada Federaalka ku dhex marey magaalada Addis Ababa iyo Munaasabada 1da Lulyo oo ah Maalintii Xuriyada Goboladda Koonfureed iyo Israacii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya.

Mar uu ka hadlaayey dagaaladii labadii cisho ee la soo dhaafey ka dhacay magaalada Kismaayo ayuu sheegay in ay dowlada federaalka Somalia leedahay masuuliyada dagaalkii qasaaraha balaaran dhaliyey isla markaasina ay magaalada Muqdisho laga soo direy shaqsiyaad uu ku tilmaamey qaswadayaal ah oo seddex ka mid ah ay hay’ada amaaanka maamulkiisa ay gacanta ku hayaan mid kale ka baxsadey waa sida uu hadalka u dhigaye. Waxuuna faray maamulkiisa in dadka ka faa’ideysanaaya dagaalkii ka dhacey Kismaayo oo boobka iyo aargudashada kula kacaaya shacabka Jubaland maamulkiisa gacan bir ah ku qabtaan.

Mar la weydiiyey in heshiis hordhac ah ay gaareen maamulka Jubaland ee uu madaxda ka yahay Sheikh Axmed Madoobe iyo dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxuu ku tilmaamey war aan jirin oo ay saxaafada buunbuunisey, balse lagu heshiiyey oo kaliya in wada hadalada la sii wado.

Ugu dambeyntii Axmed Madoobe ayaa  hambalyo ku aadan 1da Lulyo u diray ummaadda Soomaaliyeed guud ahaan, iyo in Ilaahey ka yeelo sidii ay beryo samaadkii ahaan jireen.

Idale News Online, Nairobi Kenya