Hoobiyeyaal Xaley shaqdii dhexe lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho

0
248

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo xalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho laga maqlayay hugunka madaafiicda oo ahaa kuwo ku soo daadanayay nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley oo ay ku taal Madaxtooyada ay ku dhaceen madaafiicda, oo gaarayay ilaa todobo madfac.

Lama soo sheegin ilaa iyo hada hadii qasaare ay geysteen, hase ahaatee madaafiicda ayaa haa kuwo ku soo dhacay nawaaxiga Madaxtooyada, halka qaarkoodna ay gudbeen.

Madaafiicdan ayaa soo dhacay xalay saqdii dhexe wixii ka dambeeyay 2-dii habeenimo, iyadoo aan la ogeyn halka laga soo riday madaafiicda.

Muqdisho ayaa mudooyinkan laga maqlin madaafiicda hoobiyeyaasha, iyadoo dhamaadki sanadki hore dhowr jeer madaafiic lagu soo tuuray Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho oo sababtay dhimasho iyo dhaawac

Hase ahaatee weerarada hoobiyeyaasha ee lagu soo garaacay Madaxtooyada ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu ku sugnaa, iyadoo labadii jeer ee u dambeeyay ee madaxtooyada lagu soo weeraray Madaafiicda aanay dalka ku sugneyn.

Laamaha ammaanka dowladda ayaa wali ka hadlin madaafiicdan xalay ku soo dhacay xaafado ka tirsn magaalada Muqdisho

Idale News Muqdisho