7 Jir Mareykan ah oo Chocolate Madaxda Mareykanka ka yaabshey sameeyey.

0
215

Madaxweyne Ku xigeenka dalka Maraykanka Joe Biden, ayaa sheegay inuu aad uga yaabay, ilaa heerka hubka iyo rabshad jacaylku ka gaadhay dadka Maraykanka ah, ka dib markii uu arkay Chocolate sida rasaasta u eg oo uu ikhtiraacay wiil aad u yar oo todoba jir Maraykan ahi.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanku waxa uu wiilkaas yar u diray warqad gaar ah oo uu ugaga mahad naqayo, ikhtaaciisa cusub iyo figradiisa uu ku gartay inuu dalkiisa wax ku soo kordhiyo, sida wakaaladaha wararka ee dunida iyo dalkaasi ku warameen.

 

Sida ay ku warameen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Maraykanku wiilkan yar ee todoba jirka ah, oo lagu magacaabo, Miles isla markaana dhigta dugsi ku yaala degaanka (Milwaukee), ayay macalimiintiisu tilmaameen, mid mufakar ah wax lagu farxana ku soo kordhiyay dalkiisa.

Macalimiinta Iskuulka Milwaukee ayaa waraaq toos ah u qoray isla markaana chocolate-ka uu ikhtiraacay ee rasaasta u eg u diray, madaxweyne Barack Obama, ku xigeenkiisa Joe Biden iyo xubno ka mid ah aqalka Senate-ka degaanka iyo ka federaalka ee dalkaas, waxaanay macalimada wiilkaas yar oo lagu magacaabo, Barbara Rankin, ka codsatay in ay u soo qoraan waraaqo mahad naq ah.

Macalimadan lagu magacaabo, Barbara Rankin, ayaa warqadeeda ku qortay halku dheg ah, [Haddii ay jiri lahayd rasaas Chocolate ahi, cidina kumay dhimateen isla markaana cid ka murugoon lahayd may jirteen, Miles-na wuxuu ikhtiraacay rasaastii chocolate-ka ahayd.]

Wiilkan yar ayaa la sheegay inuu aad ugu farxay warqada mahad naqa ah ee uu Madaxweyne ku xigeenka dalkaas, Joe Biden u soo qoray, taas oo ah mid uu gacantiisa ku qoray isaga oo isticmaalaya waraaqaha aqalka cad ee looga taliyo dalka Maraykanka.

Idale News Online