Lamaane u dhashay dalka Shiinaha ayaa waxay qaati ka taagan yihiin wiil yar oo ay dhalleen, kadib markii ay soo wajahday cayil aad u baahsan, taasoo ay qaylo dhaan ka muujiyeen lamaanahaasi.
Lamaanahaan oo lagu kala magacaabo Lu Yuncheng iyo Chen Yuan ayaa waxay qaati ka taagan yihiin wiil yar oo ay dhalleen, kaasoo lagu magacaabo Lu Hao, da’diisuna ay tahay seddex sano jir, hadaba sababaha ay uga qaylo dhaaminayaan ayaa waxay ku sifeeyeen cayilka faraha badan leh ee soo wajahday
Waxay sheegeen in markii uu dhashahy wiilkoodu yar uu miisaankiisu ahaa 2.6kg, hase ahaatee markii uu seddex bilood uu gaaray ayaa wuxuu bilaabay in uu si xowli leh u cayilo, haatana uu miisaankiisu iminka sii caga-cageynaayo 60kg.
Wiilkaan yar oo u dhashay dalkaasi Shiinaha ayaa wuxuu si’aad ah u cunaa Bariiska, xitaa waxay waalidiintiisu ay sheegeen in uu cuno, cuno aysan labadooduba cuni kareyn, isla-markaana waxay sheegeen kolka ay isku dayaan inay cunada ka xakameeyaan inuu uu si saa’id ah u ooynaayo taaso sababeyso in cunada leyskaga daayo ilaa uu ka daalo cunisteeda.
DAAWO SAWIRADDA:-
Idale News Online