Maanta waa maalin aan la mid eheyn Maalmihii iyo Bilihii aan soo dhaafnay, maxaa yeelay maanta oo aay Taariikhdu ku beegantahay (28-07) Waa maalin si aad u weyn oo aay xusuusanyihiin inta Damiirka leh oo dadnimada ay ku jirto, guud ahaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Qowmiyada Digil I Mirifle.
28-July, waa maalin aad umuruga badan oo aay xasuusineeyso, dhamaan Qowmiyada Digil I Mirifle, gaar ahaan Kuwa Damiirka leh oo danqasha ay ku jirto, Maalintan waa maalin DM ay u Murugoonayaan Dilkii Halyeey Cabdalla Deerow Isaaq.
Waa arrin la yaab leh oo ku cusub Qowmiyadda DM, hase ahaatee waxaa aad loo rumaysan yahay in dilalka loo geystay Aqoonyahanada iyo Indheergaradka DM ay wax ka ogyihiin qaar kamid ah Hogaamiye-yaasha ku abtirsada isla Digil I Mirifle.
Waxaa intaas kasii daran in Madaxda DM qariyaan ama marin habaabiyaan ka salgaaridda xaqiiqada cidda dilalkaas ka dambaysa.
Halgame Cabdalle Deerow Isaaq Magaalada Baydhabo Janaay ayaa lagu dilay taariikhdu markay ahayd 28 July 2006 maalinimo Jimco ah waqtigii Dowladii Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Kii dilay Halyeey Cabdalla Deerow goobtii geerida ayaa lagu qabtay, waana lasii daayay isagoon Maxkamad lasoo taagin.!!!
Idale News Online, Baydhabo.