Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya Cabdi-Kariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu ka dalbaday Hay’adaha Garsoorka Dalka in la toogto Ragii ka dambeeyay Dilkii Degmada Yaaqshiid looga geystay Gabar Ardayad ahayd oo ka Qalin jibisay Mid ka mid ah Jamacadaha ku yaallo Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in hadii ay Caafiyaan Ehelka Gabadha la dilay in Xukuumada aysan Caafin doonin oo la marsiin doono Cadaalada.
Wasiir Cabdi-Kariin ayaa Xusay Ragaasi dilka Geystay ay yihiin Dambiilayaal Qaran oo aan marnaba la caafin doonin Sharcigana la Marsiin doono.
6-04-2014 ayay ahayd markii Wiilal Dhalinyaro ah ay dil bareer ah u geysteen Alle ha u naxariistee Nafiso Cismaan Salaad oo ahayd ardayad ka qalin jebisay kuliyadda caafimaadka ee Jaamcadda Soomaaliya waxayna ku dileen dhabarka dambe ee Warshadda Coca Cola ee Degmadda Yaaqshiid
Hay’ada Nabad Sugida Qaranka ayaa Gacanta ku soo dhigtay Ragii ka dambeeyay Dilka Gabadhaasi waxayna qirteen in ay dileen gabadhaasi.
Idale News Online.