Beelaha Digil & Mirifle oo ka mid ah beelaha degga gobollada Jubooyinka & Gedo isla markaasna ku teedsan daafaha wabiga Jubba iyo dhamaan tuulooyinka dhul beeraadka iyo wax soo saarka leh ee gobollada Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose & Gedo ayaa ku eedeeyey maamulka Jubba ee Axmed Madoobe in ay ka waayeen xuquuqdii ay ku lahaayeen maamulkaas. Dhowaan kulan dhex marey nabadoonada beelahaasi iyo Jeneraal Fartaag ayaa ku dhamaadey fashil ka dib markii Jeneral Fartaag u sheegay beelaha DM iney gobolada Jubooyinka iyo Gedo ka yihiin minority sidaas darteedna aysan la tiro iyo ergo noqon karin beelaha kale ee dega Jubooyinka & Gedo taasoo aad uga careysiisey malaaqyadii joob googa ka ahaa shirka; sidaasna waxaa idalenews u xaqiijiyey xubno isugu jira aqoonyahano iyo salaadiin ka soo jeeda Beelaha Digil & Mirifle oo ku sugan magaalada Kismaayo.
Waxay arrinta lagu faquuqaayo beelaha Digil & Mirifle si aad ah u soo shaac baxdey ka dib markii Jeneraal C/hi Sheekh Ismaacii Fartaag oo kulan la qaatey malaaqyada DM ee ku sugan Kismaayo kuwaas oo ka cabanaayey sida maamulka Axmed Madoobe iyo Fartaag ay u maareeyeen tirada ergada beelaha DM ee shirka dib u heshiisiinta Muqdisho ee Bisha November 5teeda dhici doona. Beelaha DM ayaa looga qoondooyey 4 ergo oo kaliya halka 116 ergo la siiyeyy beelaha Dooraad iyo beelaha kale ee Jubooyinka & Gedo. waxayna arrintaasi si aad ugu fajicisay malaaqyadii taageersanaa shirka Maamulka Jubaland ee ka soo jeeday beelihii DM oo ka qeyb ahaa shirka Jubooyinka iyo Gedo mudana fadhiyey halkaas.
Sideed beelood oo ka tirsan Beelaha Mirifle oo kala ah (Hubeer, Geelidle, Yantaar, Gabaabwiin, Gasaara Gude, Leysaan, Macalinweyne iyo Eelaay) iyo seddex beelood oo kale oo iyaguna ka tirsana beelaha Digil oo kala ah (Tuni, Gare iyo Dabare) ayaa gobollada maamulkaas Jubba sheegto ku leh degmooyin iyo tuulooyin badan oo aan la dafiri karin, hase ahaatee ma muuqato karaamo iyo sharaf ay ku leeyihiin maamulka hadda jira waxaana haatan hogaanka maamulka Jubba oo u badan dad Galti ama soo galooti ku ah deegaanadaas doonaayaan in ay ka been sheegaan xaqiiqda dhabta ee ka jirta goboladaas, taasoo abuuri karta colaad iyo dagaal sokeeye oo ka dhex dilaaca dadka ehelka ah ee wada dega goboladaas.
Generaal Fartaag iyo Axmed Madoobe ayaa ka mideysan in la qariyo awooda iyo baaxada beelaha DM ku leeyihiin goboladaas hase ahaatee waxay mar kastaa danooda guracan u adeegsadaan shaqsiyaad damiir laaweyaal ah oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle oo aan marnaba ka dhiidhiyin hagardaamada iyo dulmiga lagu haayo beelahooda. Waxaana si gaar ah looga xusi karaa maleeshiyaadkaas Fayloow oo ka soo jeeda beesha Gare ee Ceelwaaq, Cabdi Dheere oo ka soo jeeda Beesha Yantaar ee degta Degmada Saakow, Bulsho oo isaguna ka soo jeeda Beesha Dabare ee Bu’aale degta iyo Mayow oo beesha Geelidle ee degmada Saakow ee Jubbada Dhexe ka soo jeeda.
Horey ayaa odayaasha iyo waxgaradka DM ee haatan ku shirsan magaalada Baydhabo u sheegeen inay ku soo dhoweynayaan gogosha Baydhabo dhamaan beelaha dega jubooyinka & Gedo si looga tashada aayaha maamul ka kooban 6da gobol ee Shabeelaha Hoose Jubbada Hoose, Jubada Dhexe, Gedo, Bay iyo Bakool oo ku saleysan cadaalad, looga hortagaayo kooxaha caadeystay boobka iyo sadbuursiga ka jirey mudooyinkii ugu dambeeyey guud ahaan koonfurta Soomaaliya
W/D: Axmed Yoontooy, Xafiiska Warqabadka
Idale News ONline, Kismaayo