10 Kun oo ah Qaxootiga Xerada Dhadhaab oo bisha December dhamaadkeeda Somalia loo soo celin doono

0
176

Toban kun oo ka mid ah qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa lagu celin doonaa Somalia.  Tobankaan kun ee qaxootiga ah ayaa la kala gayn doonaa magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Luuq.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay hadda ku howlan tahay mashaariic yar yar ay ku fulin doonto sadaxdaas magaalo kuwaas oo loogu tala galay in qaxootigu ay kula qabsadaan nolosha kajirta deegaanadaas.
qaxootigaSomalida

Idale News Online