Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhaweysay Aqoonsiga Mareykanka.

0
191

Mudane Cabdi faarax shirdoon (saacid) raisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa waxa Uu soo dhaweeyay aqoonsiga dowlada Mareykank ee ku aadan dowladda Soomaaliya waxa uuna mahad celin usoo jeediyay shacabka iyo madaxda dalkaasi  Isagoo  tilmaamay  Raisul wasaarahu in aqoonsigaasi uu yahay mid baal cusub oo Horumarineed u furayo dadka iyo dowlada Soomaaliyeed.

Raisulwasaare Saacid ayaa dhinaca kale ugu baaqay dowladaha kale ee caalamka Inay si lamid ah sida dowlada Mareykanka u aqoonsadaan dowlada iyo dalka Soomaaliyeed waxa uuna mahad celin balaaran u soo jeediyay dowladaha IGAD Oo siweyn u aqoonsaday dalka iyo dowlada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdi faarax shirdoon (saacid) ayaa shir saxaafadeedkiisa maanta uga Hadlay dilka wariye Cabdi Xareed Cusmaan Aadan oo ka howlgalayay warbaahinta Shabeele kaasoo dhagar qabayaal hubeysan ay shalay dil ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir  waxa uuna muujiyay sida uu uga xunyahay dilka iyo Xariga wariyaasha Soomaaliyeed loo geysanayao isagoona ku celceliyay sida eysan Xukuumadiisu marnaba raali uga noqoneyn in la dhibaateeyo saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Idale News Muqdisho