Xukuumada Soomaaliya ayaa wafdi labo dhinac oo ka kala socda Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Gaashaandhiga u dirtay, si ay uga qeyb qaataan soo afjarida iska hor imaadkii dhowaan ka dhacay magaalada ee u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda.
Wafdigan ayaa la sheegay inay ugu horeyn qiimeyn doonaan xaalada magaalada, kadibna ay u gudbi doonaan inay wada hadal siiyaan labadii dhinac ee maalmihii u dmabeeyay isku dhaca ku dhex maray degmada.
C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhacdooyinki ka dhacay magaalada Marka, isagoo xusay in rajo wanaagsan ka qabaan in la soo afjaro khilaafaadkaas
“Dowladda wafdi deg deg ah oo heer sare ayay u dirtay magaalada Marka, kuwaas oo ka kala socda Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Gaashaandhiga, aad baan uga xunahay in marxaladihii dagaalada iyo fadqalada ee laga gudbay in maanta dib u soo laabato, waana isku dayi doonaa inaan soo afjarno”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.
Maleeshiyo deegaanka iyo ciidamo ka tirsan dowladda ayaa dagaal ku dhex maray magaalada Marka, kaasoo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, waxaana xiisada ka jirta magaalada ay salka ku heysa maamulka magaalada oo uu khilaaf ka jiro.
Si kastaba ha ahaatee Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa horyaala caqabado fara badan oo ay ugu weyn tahay dhismaha maamulada gobolada dalka.
Idaale News Muqdisho