Gobolada Jubooyinka, gaar ahaan magaalo xeebeedka Gobalka J/Hoose ayaa noqotey xudunta khilaafka beelaha Soomaaliyeed tan iyo markii ay burburtey Dowladii Maxamed Siyaad Barre, waxuuna gobolku noqdey meel ay ku soo noqnoqdaan dagaalada in ka badan 21 sano Somalia ka dhacayey.
Ujeedka ugu weyn ee kooxaha kala duwan ee Soomaalida ee dagaalka Kismaayo isaga soo horjeeda ayaa ah in koox kastaaba ay xusul duubeyso hanashada maamulka gobaladaasi oo leh kheyraad dabiici ah Alle si gooni ah ugu maneystey marka la barbardhigo gobollada kale ee dalka Somalia ka kooban yahay. Khilaafka iyo hardanka Gobalka waxaa ugu sii darey farogalinta dowladaha gobalka gaar ahaan Kenya, Itobiya iyo Guud ahaan Urur goboleedka IGAD oo dalalka qaar ugu yaboobey taageero ciidan iyo mid diblomiyaasiyadeed si ay u meel mariyaan danaha ay ka wada leeyihiin gobalka.
Axmed Yoontey idalenews@yahoo.com
Idale News Kismaayo