Xubno Ka Tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Lagu Eedeeyay Iney Qas Siyaasadeed Ka wadaan KGS

0
211

Baydhabo(INO)- Mudane ka tirsan Baarlamanka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada Baarlamankaasi qaarkood inay ka dambeeyaan mooshin la doonayo in lagu rido Madaxwaynaha Koofur Galbeed.

Xildibaano

Waxaa uu sheegay in arrintani ay saameyn ka dhalan karto iyadoo waqti mooshin la keeno aan gaarin oo dhawaan ay ahayd markii la caleema saaray guddoomiyaha baarlamanka Dowlada KGS .

Waxaa uu sheegay xildhibaanku in arrintani ay saameyn ka dhalan doonto haddii xildhibaanadaasi aanay mooshinka  ka joogsan .

“ Xildhibaano ay tiradoodu gaarayso illaa iyo 15 ayaa horay u sheegay inay mooshin ka keenayaan Madaxwaynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan “. ayuu yir Xildhibaanka

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Ibraahim Macalin Aadan waxa uu ugu baaqay xildhibaanadaasi inay ku degdegayaan sida uu yiri mooshin taas oo aan xilligan ahayn waqtigeeda islamarkasna aysan u baahnayn dadka koofur galbeed kala qobqob .

Idale News Online,  Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here