XOGTA QARSOON:- Waa maxay sababta ka dambeysay in Ra’isul wasaaraha Turkiga uu ka cudur daarto Shirka Soomaalida uga Furmayo Britain

0
221

jj

Warbaahinta ka soo baxda Magaaladda Ankara ee Caasimaha Dalka Turkiga ayaa waxa ay siyaabo kala duwan uga hadlayaan Qoraal ay soo daabacday Wakaaladda wararka u faafisa Dalka Turkiga (Anadolu Agency), taasoo Cadadkeeda Maanta soo daabacday Warar sheegaya in Ra’isul wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Erdogan uu Dowladda Britain uga cudur daartay ka qeybgalka Shirka Soomaalida loogu qabanayo Magaaladda London.

Warbaahinta Maxaliga Turkiga ayaa si yaabo kala duwan uga faallooday diidmada Rajab Dayib Erdogan ee Shirka, waxa ayna qoreen in faragalinta Dowladda Britain ay sabab u tahay in Rajab Dayib Erdogan uu ka baaqdo Shirkaasi.

Dowladda Turkiga ayaa iyadu Hawlo hagar la’aan ah ka wada Gudaha Magaaladda Muqdisho iyo qaar ka tirsan Gobalada Dalka Somalia sida Puntland, Somaliland iyo Gobalo kale, hayeeshee Dowladda Somalia ayaa waxa ay dhanka kale xiriir qarsoon iyo mid muuqda la gashay Dowladad Britain Wallow xiriirkaasi uu yahay mid aragti ahaan Dowladda Turkiga qadka ka saaraya haddana Turkiga ayaa dheeleysa Siyaasada qabow oo aan la dareensiin Dowladda Somalia.

Rajab Dayib Erdogan, Ra’isul wasaaraha Dalka Turkiga ayaa waxa uu ka walaacsan yahay halka ay ku biya shuban doonto Xiriirka kala dhexeeya Dowladad Somalia taasoo u muuqata in Dowladda Madaxweyne Xassan Sheikh ay culeyska saareyso Dowladda Britain iyadoona yareyneysa Siyaasadda ay la dheeleyso Dowladda Turkiga.

Waxaa muuqda Dib-u-dhacyo ay muujineyso Dowladda Turkiga laga bilaabo xiligii la doortay Madaxweyne Xassan Sheikh oo isagu Siyaasad ahaan ku xiran Dowladaha Galbeedka halka Dowladihii ka horeeyay ay Xooga saari jireen Carabta iyo Dowladda Turkiga oo iyadu kaalin weyn ka qaadatay Xiligii abaaraha.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Turkiga ayaa waxa ay niyad jab ka muujineysa Shirka ka dhacaaya Magaaladad London ee Cariga Dalka Britain, iyadoo Siyaasad ahaan ka didsan in Dowlado kale ay faraha lasoo galaan Somalia.

Idale News Muqdisho