Xoghaye Guud ee IGAD Mr. Maxbuub oo beri tagi doona Kismaayo & Taariikhda Shirweynaha Maamulka Jubbaland oo la filaayo in la iclaansho

0
208

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in wafdi balaadhan oo ka kooban urur goboleedka IGAD uuna hogaaminayo  xoghayaha urur goboleedka IGAD  Injineer Maxabuub Macalin ay maalinta bari oo Axad ah lagu wadaa inuu gaaro  magaalada Kismaayo. Wararku waxay intaas ku darayaan in ujeedada socdaalka wafdigan uu ku qotomo sidii ay u dardargelin lahaayeen arimaha maamul usameynta gobolada Jubooyinka  iya Gedo iyagoo sida lagu wado in la sheego ama iclaansho maalinta  uu rasmiyan u furmayo shirweynuhu dhismaha maamul u sameynta labada Jubbo iyo Gedo.

Dhanka kale, waxaa magaalada Kismaayo ka jira xaalada kacsanaan ah oo u dhaxeysa beelaha hadda ku sugan magaalada gaar ahaa beesha Sade iyo Beesha Kablalax kuwaasoo warar magaalada Kismaayo laga helaayo ay sheegaayaan in uu khilaafkooda salka ku haayo dhaqaalaha dekada Kismaayo iyo Sadbuursi ay qoloaba qolada kale ku eedeynayaan.

Dowlada Federaalka ayaa marar badan ku celcelisey in maamaul u sameynta gobalada dalka leedahay isla markaasna xukuumada R/wasaare Saacid ay ku howlan yihiin sameynta sharciyo ku saabsan wada shaqeynta iyo  xiriirka u dhaxeyn doonta Dowlada dhexe ee Federaalka  Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dhismi doona.

Booqasho la filaayey bishaan December 12 keeda inuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku tago dalka Kenya ayaa mar kale baaqdey, iyadoo safar hore loo sii qorsheeyey sidaas oo kale ay dowlada Kenya ka cudurdaaradatey sababo farsamo awgeed.

Idale News Kismaayo