Inta badan Warbaahinta ka howlgasha Muqdisho iyo tan Caalamka, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay waxa uu ahaa qaraxii shalay lagu qaarijiyay Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowle.
Qaraxaan ayaa waxaa ku naf waayay ka sokoow Cabdi Kaafi dad ka badan 6 ruux, halka tiro intaas ka badana uu dhaawac kasoo gaaray, qaarkoodna waaba halis.
Xarakada Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxaas, ayaa sheegtay ineey bartilmaameedsadeen Baabuur uu la socday Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir.
Goob jooge ka ag dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay, ayaa Midnimo.com u xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa mid la dhigay wadada dhinaceeda, islamarkaasna lagu soo dhex qariyay Bac-madowda Qashinka lagu soo guro.
Al-shabaab ayaa bilihii u danbeeyay kor u qaaday qaraxyada iyo dilalka ay Muqdisho ka fuliyaan.
Al-shabaab ayaa inta badan fuliya weeraro, qaraxyo iyo dilal gaadmo ah oo Muqdisho ka dhaca, tan iyo markii lagala wareegay deegaano badan oo ay horay u maamuli jireen.
Qaraxa shalay lagu bartilmaameedsaday Xoghayihii hore ee G.banaadir, ayaa ka dhacay meel aad ugu dhow isgoyska KM4 iyo Safaarada Turkiga, waana meel aad muhiim u ah isku socodka Gaadiidka Magaalada.
Wakiilka shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir, ayaa sheegay ineey iyagu masuul ka ahaayeen qaraxaas, islamarkaasna ay ku faraxsanyihiin dilka Cabdi Kaafi Hilowle.
Dad shacab ah iyo Ciidamo, ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay Qaraxaas.
Idale News Online, Muqdisho.