Xog dheeraad ah oo laga helay qoyskii ka koobnaa lixda qof ee lagu laayey

0
213

Luuq(INO)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal dad rayid ah loogu geystay duleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaasi oo dhacay subaxnimadii shalay.

Qaar kamid ah ehelada dadkii lagu dilay deegaanka Abaqle ee gobolka Gedo, ayaa sheegay in fal laga naxa uu ahaa markii ay maqleen qoyska lixda ruux ka koobnaa ee lagu dilay duleedka degmada Luuq.

Aadan Cabdi Cali, oo la dhashay aabaha qoyska la dilay ayaa sheegay in falkaasi uu dhacay xili habeen ah oo ay wada jiifeen, sida uu sheegay tuuladana ay degmada Luuq u jirto qiyaastii 1o Km.

“Dadka dhibta uu gaaray walaalahey waaye wey ila dhasheen qaarkoodna adeer ayaan u ahay, lix ruux waaye dadka dhibaatada soo gaartay laakiin labo ayaa isbitaalka joogta, dhibkaasi ayaa cidda ku dhacay”.

“qof walbaana meesha uu joogo ayaa rasaas loogu geystay, cidda geysatayna lama oga ilaa iyo hadda”ayuu yiri Aadan Cabdi.

“Lix wey dhimatay labo caruur ah ayaa garaabo ah ilmaha adeerkood ayaan ahay, dhibkasna markuu dhacayayna waan jiifnay”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Wuxuu sheegay inuu jiro tuhun ay qabaan oo ku aadan in falka loo geysto aano qabiil. inkasta oo uu sheegay iney socdaan baaritaano ku saabsan sababta falka ka dambeysay.

Idale News Online, Luuq, Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here