Daawo:Xisbiyada Somaliland Oo Ku Heshiiyey Xilliga Doorashadda

0
299

Hargeysa(INO)-Muddooyinkii ugu dambeeyey ayuu muran xooggan ka tagaanaa xilliga la qaban doono doorashaddda soo socota kaddib markii golaha gurtida oo horay muddo kordhin ugu sameeyey xukuumadda hadda jirta, oo uu ugu daray  22- billood oo uu sheegay in doorashada la qabadan doono bisha April ee sanadka 2017-ka.

medium_6tG2hUKx

Guddoomiyaha xisbiga talada haya Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in lagu heshiiyey in doorashadu ay dhacdo bartamaha bisha December ee sanadka dambe, iyadoo maalinta ay dhici doontana laga sugayo in guddiga doorashaddu uu sheego, kaddibna uu madaxweynuhu saxiixo lagu soo daabaco faafinta xukuumadda ku soo saaro.

Guddoomiye Muuse Biixi ayaa sheegay in heshiiskan ay u gudbin doonaan golaha gurtida oo uu sheegay in ay aqbali doonaan.

Labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo Ucud Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay heshiiska laga gaaray ay taageersan yihiin oo ay doorashada la qaban doono bisha December ee sanadka 2016-ka.

Guddoomiyaha golaha gurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay sheegay in doorashada la qaban doono xilligii uu goluhu horay u iclaamiyey  ayaan la oggoyn in uu aqbali doono heshiiska xisbiyadu ay ku gaareen in doorashada la qabto bisha December sanadka 2016-ka iyo in kale.

Idale News Online, Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here