Naironi(INO) – Sida ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta kasoo baxda dalka Kenya waxa ay Xildhibaanada Baarlamaanka dalkaasi soo jeediyeen in la furo xadka isku xira dalalka Kenya iyo Somalia.
Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa dowlada Kenya usoo jeediyay in gabi ahaanba la furo xadka si cabsida Al-shabaab aysan u saameyn horusocoda dalka.
Xildhibaanada ugu badan ee soo jeediyay talladaasi ayaa waxa ay kasoo jeedan gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari dalka Kenya.
Cabaas Sheekh Maxamed oo ah Xildhibaan Kenyan laga soo doorto Bariga Wajeer oo la hadlaayay Wargeyska The Star ayaa sheegay in xuduudka haatan xiran uu horseeday inay Kenya soo galaan Alaabta Kontorobaanka iyo Hubka sharci-darada ah.
Xildhibaan Cabbaas Sheekh ayaa dawlada ka codsaday inay furto xadka labada dal u dhexeeya oo ay in muddo ah xirtay iminkana xiran si ganacsiga labada dal u dhexeeya uu u kobco.
Alaabo iyo badeecooyin badan oo ay kujiraan sonkor iyo dhar ayaa Soomaaliya dhankeeda kasoo gala Kenya, waxa uuna Xildhibaanka qiray in wax isbedel ah uusan soo kordhin go’aanka lagu xiray Xadkaasi, balse uu dhaqaale dhimis un u keenaayo dalka Kenya waa haddii uu sii xirnaado.
Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa wadaaga xad dheer oo gaarsiisan 800km kaasoo ka bilowda min Kiunga oo degmada Lamu dhacda ilaa Mandheera.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.