Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka.
Jaaliyadda Soomaliyeed ee magaalada Minneapolis ayaa xaflad aad u heer saraysa oo lagu soo dahweeynayay mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ku qabtay magaaladaasi, taasoo ay ka soo qab galeen dadwayne aad u badan oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahanno, odayaal dhaqameedyo ayaa looga hadlay arimo ku saabsan xaalada dalku uu haatan maraayo iyo waliba sida jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool dalkaasi uga qeyb qaadan karaan dar dar galinta horomurka dalka iyo nabadiisaba.
Xildhibaan Cabdi Barre oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa tacsi tiiranyo leh u diray dhamaan Umadda Somaliyeed gaar ahaan qoyska iyo eheledda uu ka baxay Sheekh Cabduqaadir Gacameey, isagoo ku tilmaamay fal argagixiso
Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Barre oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Dowladda ay tahay Federaal isagoo xusay in ay u dhaarteen inaan ilaalinta Dastuurka iyo shuruucdda dalka u yaal. Wuxuuna Xildhibaanka soo hadal qaadyay inay jiri karaan dhaliilo iyo eeddeymo ka imaan karo dhanka shacabka balse aan la gaarin waqtigeeda, Wuxuu ugu baaqay Umadda Somaliyeed innay tageeraan dowladda waxii qalddamo inna la saxo iyado lo isticmaalayo wacyigelin iyo Cilmibaaris.
Wasiirkii hore ee caafimaadka xildhibaan C/casiis Sheeekh Yuusuf oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sharaxay dadaalada dowladu waddo isagoo kula dardaarmay jaaliyada in ay gacan ka geystaan barnaamijyada dowladu ku horumarineyso dalka iyo dadka.
Waxeyna munaasabadaasi kusoo dhamaatay jawi aad u wanaagsan..
Idale News Muqdisho