Xildhibaano iyo Wasiiro Ka Tirsan DFS Oo Baaq Nabadeed U Direy 2 Beelood Oo Ku Dirirey Duleedka Baydhabo

0
170

Muqdisho(INO)-Xildhibaano Iyo wasiiro baaq u diray beelo walaalo ah oo dagaal ku dhex maray inta u dhexeysa Degaanka Daynuunaay iyo Magaalada Baydhabo.

Jamhuurida Federalka Ee Soomaaliya Bayaan Nabadeed

Ku: Dhamaan Beelaha Boqol hore & Beesha Laysaameed.

OG: Dhamaan odayaasha dhaqanka ee beelaha aan kor ku soo xusnay.

OG: Dhamaan Golaha Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed Soomaliya.

OG: Dowlad Gobaleedka koonfur galbeed Soomaaliya.

UJEEDO: Bayaan Nabadeed.

Ayadoo la ogsoonyahay marxaladda adag uu soo maray dalkayna , iyo si ay usoo hagaldaaciyeen dagaaladii sokeeye , iyo isbadelka haatan uu kusii tilaabsanayo dalka, ayaa waxaa lagama maarmaan ah, in si wada jir ah looga hortago wax walba oo keeni kara colaad iyo iska hor imaad dad walaalo ah oo nabad ku wada nool dhexdooda .

Hadaba sidaasi daraadeeda kulan degdeg ah oo looga hadlaayey iska hor imaadyadii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay Gobalka Baay , kulunkaas oo ay ka soo qayb galeen Xildhibaanada , Odayaasha dhaqanka , Culimaa’udiinka Iyo qeebaha kaladuwan ee bulshada , ee ka soo wada jeeda beelaha aan magacooda kor kusoo xusnay, waxay ka soo saareen qodobada hoos ku qoran:

1-Ugu horayntii waxaan uga mahad celinaynaa Dowlad gobaleedka koonfur Galbeed Soomaaliya xabad joojintii ay dhax dhigeen walaalihii ku dirarayey gobalka baay – Degmada Baydhabo baadiyaheeda .

2-Waxaan si buuxda utaagyeeraynaa, una garab istaagayna, Xabad joojintii lagu dhawaaqay koow iyo tobankii bishan.

3-Waxaan u soo jeedinaynaa dhamaan walaalaha diraray inay ku dhameeyaan dhibaatadii dhacday wada xaajood iyo is afgarad , lana xurmeeyo Bilaha xurmada leh oo aynu kujirno, iyo xiriirkii soo jireenka ahaa oo u kadhexeeyey labada reer, Dagaal wiil kuma dhashee ee wiilaa kudhinta , ee haloo turo dadka marista ah .

4-waxaan ugu baaqaynaa dhamaan siyaasiyiinta culmada odayaasha dhaqanka ganacsatada haweenka dhalanyerada ka soo jiida laba reer ee diraray inay ka qeebqaataan joojinta colaada iyo xal uhelidda dhibkii dhacay meel walbo oo ay dunida ka joogaan.

Baaqaan waxaa isla soo saaray magacyada Hoos ku qoran :-

1- Xil. Maxamed Isxaaq Cusmaan (Xil. Fanax), W/Dowlaha Gaadiidka & Sadasha hawada

2- Xil. Maxamuud Macalin Yaxya

3- Xil. Maxamed mursal Boorow

4- Xil. Khaliif Sh. C/ laahi

5- Xil. Cumar Cali Isaaq ( Balash)

6- Xil. C/wali Maxamed Ibraahim

7- Xil. Aadan Ibrahim Daayow

8- Xil. Maxamed Rashid Sh. Dahir