Xildhibaannada BFS oo maanta ka shiraya Hiigsiga Cusub ee 2016-ka

0
207

Muqdisho(INO) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlaya maanta arrimo la xiriira Hiigsiga Somalia ee 2016-ka, iyadoo saxaafada loo diiday inay goobjoog ka ahaato kulankan.

Kulankan ayaa imaanaya kaddib markii guddoomiyaha baarlamaanka uu shalay ka sheegay kulankii baarlamaanka in maanta oo Talaado ah ay yeelan doonan kulan gaar ah oo looga hadlayo doorashooyinka dalka ka dhici doona.

Prof. Jawaari intaas ku daray in kulankan aysan ka qayb-geli doonin saxaafadda, iyadoo inta badan saxaafadda ay goobjoog ka ahaato kulammada baarlamaanku uu u yeelanayo, si ay warbixinno uga helaan.

Sidoo kale, shirka ayaa la filayaa in lagu dhageysto warbixin ay diyaariyeen xildhibaanadii ka qaybgalay shirkii looga tashanayay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta 2016-ka ee dhawaan lagu qabtay Muqdisho.

Ugu dambeyn, shirka oo furmi doona 10:00 aroornimo ee maanta ayaa waxaa la filayaa inay kasoo baxaan go’aanno ku aaddan doorashooyinka dalka ka dhacaya sannadka soo socda.

Wixii warar ah ee kasoo baxa kulanka maanta ee xildhibaannad baarlamaanka waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Idale News Online haddii ALLE ogolaado.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here