Xildhibaanada booqanaya G/Galgaduud

0
219

Xildhibaannada Baarlamaanka ee ku sugan gobolka Galgaduud ayaa sheegay in intii ugu badneyd ujeedadii socdaalkooda laga gaaray guulo wax ku ool ah,  kadib markii ay Xildhibaannadu kulammo la qaateen inta badan qeybaha bulshada ee ku dhaqan gobolkaasi.

Xildhibaan Nuur Faarax oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka ee booqashada ku maraya gobolka Galgaduud ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ujeedada socdaalkooda ay inta badan ku guuleysteen,  isagoo xusay in ay soo booqdeen deegaano farabadanoo ka mid ah gobolka Galgaduud,  waxa uunta tilmaamay in ay kulamo la soo qaateen qeybaha bulshada iyo maamulada deegannadaasi.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa carabbaabay in deegaanadii ay tageen oo dhan si fiican looga soo dhaweeyay,  isagoo tilmaamay in dadka ay kala hadleen sare u qaadida nabadgelyada isla markaana ay u sameeyeen wacyigelin guud iyo sidii dib loogu habeyn lahaa maamulada ka jira deegaanadaasi.

‘’dadku waxey u baahanyihiin in meelo badan laga caawiyo muddo dheerbaa dalka maamul la’aan ka jirtay oo mamuladi jiray aysan gaarin,  waxeyna dadku aad ugu oomanayeen in ay dowlad helaan, sidoo kalena waxey u baahanyihiin in laga caawiyo xaga nabadgelyada iyo adeegyada bulshada’’ sidaasi waxaa yiri xildhibaan Nuur Faarax.

dhinaca kale qeybaha kaladuwan ee bulshada ku nool gobolka Galgaduud ayaa soo dhaweeyay booqashada ay xildhibaanadu ku marayaan gobolka, waxeyna sheegeen in ay idhahooda ku soo arkeen nolosha dadka iyo baahida loo qabo dowladnimada.

Xildhibanka ayaa sheegay in 27-ki Janayo ay gaareen gobolka Galguduud wixii ka dambeeyay xiligaasina ay ku guda jireen booqasho ay ku marayaan deeganada gobolka,  wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ay goordhow soo dhameystiridoonaan natiijada Safarkooda.

Idale News Muqdisho