Xildhibaanada Baarlamanka iyo RW CCC Sharma’arke Oo Maanta Kulmaya

0
240

Muqdisho(INO)-Shabakada Idale News Online  ayaa goor dhaw heshay xogta sheegaysa in uu manta dhici doono kulan udhaxeeya xildhibaanada baarlamaanka, gaar ahaan gudiyo ay iska dhex doorteen labada garab ee Kudlooyinka baarlamaanka iyo Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke

Ujeedada kulanka ayaa ah in ay dhinacyadu isla gartaan caqabadaha horyaala xukuumada cusub ee Soomaaliya iyo ansixinta Xukuumada oo uu doonayo Raysalwasaaruhu.

Shirkan oo ah Qado sharafeed ayaa ka dhici doona guriga gudoomiyaha baarlamaanka ee Soomaaliya, waxaana joga gudoonka shirka oo aan ukala maqnayen, qodobada xiisaha leh ayaa ah in ay gudiyada garabyada baarlamaanku soo jeedinayaan in lasoo dhamaystiro Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya.

Raysalwasaaraha iyo gudiyada baarlamaanka ayaa lafilayaa dhamaadka shirka in ay Saxaafada la hadlaan ama ugu yaraan ay soo saareen warsaxaafadeed.

Idale News Online- Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here