Xildhibaanada Baarlamanka Cusub Ee Koonfur Galbeed Soomaliya Oo Looga Digey Mooshin Keenis

0
266

Baydhabo (INO)- Waxaa shaley la dhaariyey 89 mudane oo ka tirsan  Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoona 8 ka mid ah ay ahaayeen Haween, isla markaana  Madaxdii iyo odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee halkaasi ka hadleen dhoor jeer ay ku celceliyeen in aan Looga fadhin in mar weliba aysan ka Keenin Mooshin ka dhanka ah Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya kaasoo ay tilmaameen in isbedelo iyo dhibaato u keeni kar horumarka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Baarlamaka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Malaaq Deerow Yacquub Cali, Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Baarlamanka Cusub uu ku booriyey in ay badbaadiyaan Shacabka KG Soomaaliya isla markaana looga fadhiyo inay hindisaan Sharciyada Baarlamanka,waxaana uu ka digey mooshino in laga keeno Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaaso uu sheegey in dib u dhacyo iyo weliba dhibaato hor leh keeni karo.

“Waxaan idin soo xulney in aad noqotaan dadkii badbaadin lahaa Shacabka, waxa la idin ka sugayaan in aad soo dajisaan sharciyada Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, ma dooneyno in Mooshino laga keeno Dowlada. Waxaan la idin siyey 4 sano oo maanta laga bilaabo ah, sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden oo hal sano ka hor aan dooraney waxaan siiney 4 sano oo xilka hayn doono.  qofkii qalalaase siyaasadeed ka soo dhex bilaabo Baarlamanka waa laga saaraya” ayuu yiri Malaaq Deerow Yacquub.

Dhan kale Malaaq Shiino C/raxmaan oo ka mid ah odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa isna Xusey in beel weliba ay la socon doonto dhaq dhaq-dhaqaayada raga ugu jiro Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Qofka doonaya in labo gamacood ku dhex isticmaalo Gudaha Baarlamanka waxaa naga Go’an in aan ka dhex saarno Baarlamanka Dowlada, Beesha uu ka dhashey way soo bedel doonta, odayaasha dhaqanka  waxay yihiin Marjica ugu dambeeya Ee go’aanka Koonfur Galbeed Soomaaliya” Malaaq Cali Shiino.

Ugu dambeyntii, Digniinadan loo direy Xildhibaanada Cusub Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya Xilli Siyaasiyiin horey ay ugu dhawaajiyeen in Markii la soo dhameystiro Baarlamanka ay dooran doonaan Madaxweyne Cusub kuwaasoo Sheegeey inuu dhamaadey Xilligii KMG-ka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana waxa laga yaaba inay abuuraan Shukaani Cusub oo Baarlamanka Dhexdiisa ah kuwaasoo laga yaabo in Mooshino ay ka keenaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here