Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka soo horjeestay Sheekh Axmed Madoobe

0
224

Waxaa siyaabooyin xoogan loo cambaareynayaa Gudoomiyaha Ururka Raaskambooni Sheekh Axmed Madoobe, oo lagu eedeeyay in uu ka soo horjeedo Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka ka soo jeeda, ayaa waxay maanta kulan ballaaran ay ku lee yihiin Hotel City Palace ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada oo ay kulankaan ku wehlinayaan Xildhibaanadii hore, Odayaasha Dhaqanka, Guddiga Haweenka Jubbooyinka iyo Ergooyin, ayaa waxay ka soo horjeesteen go’aanka Axmed Madoobe.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa wuxuu isagu uu ku baaqay in shir uu ka furman doono Magaalada Kismaayo, Maamul-na loogu sameyn doono Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Xildhibaan Xuseen Muuse Baantuu ayaa wuxuu wax aan soconeyn uu ku tilmaamay shirka Axmed Madoobe, uu doonaayo in maalinta berito ah uu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumada Somaliya Mudane C/Kariin Xuseen Guuleed, ayaa wuxuu sheegay inaysan waxba ka socon doonin,shir aysan u wada dhameyn Beelaha Jubbooyinka degga oo dhan.

Waxaa muuqaneysa in is maandhaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Raaskambooni, wuxuuna khilaafaadkoodu uu ku aadan yahay, Maamul U Sameynta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Idale News Muqdisho