Wakhtigii ololaha madaxweynaha aan ku jiray, waxaan safar dheer ku maray bishuu Juun ee la soo dhafaafay magaalooyinka teedsan waddada dheer ee isku xirta Puntland, halkaas oon dadka kala hadlayey arrimo siyaaso ee khuseeya dawladda dhexe. Dadka aan la kulmay marna kalama kulmin wax cabasha ama cabburin ah
Teeda kale, odayaal ama shacab ama xitaa shaqaale dawladeed iyo madaxda qaar keed, kulli si fiican bay ii soo dhaweeyeen, mana jirin wax is hortaag ah ee aan dareemay intaan marayey waddada u dhaxaysa Gaalkacyo ilaa Bossaaso. Xaashaa waxay ahayd lama illaawaan.
Waxaa isweydiin mudan maxaa keenay in walaalkay Cabdiweli qaylo dhaan ka sameeyo safarkiisi booqashada ee uu ku marayey PL. Aniga waxaan qabaa inaysan ahayn cadaadis dadka saaran ee ay tahay damac asaga ku jira ee uu doonayo inuu dadka ku kiciyo.
Dadka PL waa ogyihiin xaaladda mandiqada odyaashooda ayaan ayiday aftidii koobnayd ee dawladdu qaadday bartamihii bishaan ee nuxurkeedu ahaa in doorashada madaxweynaha hal sano dib loo dhigo. Ma qabo in siyaasiyiintu go’aankii isimmadu ayideen daba maraan ama naqdiyaan, ayagoo weliba leh waan ixtiraamaynaa ismmada. Khalad ama sax go’aanka isimmadu waa kama dambays.
Dhanka dib u dhaca horumarineed, ayada nafteeda dawaladda federalka ee walaalkay madaxda ka ahaa waxbaa uga soo noqonaya. Dawlad goboleedka waa ka imkaaniyaad badnaa tan dhexee ee Abdiweli hormuudka ka ahaa. Marka walaal waxaa isweydiin leh waxa aad u qabatay gobollada aad ka soo jeedday.
Cabburinta siyaasadda nafteeda, raggii road-mapka ka tirsanaa lama wada ammaanayn. Waa la ogyahay in raggii federaalka u tartamamey ay sameeyeen xadgudubyo dhanka qoridda xildhibaannada. Aan ku qoree maa ii codaynaysaa bay ahayd hal-hayska Xamar yaalley, marka takartu Faroole kaliya ma saarna.
Walaalkay Gaas waxaan oran lahaa xaq waad u leedahay inaad madaxnimada PL isu sharraxdid, laakiin inaad xiisad aan hadda taagnayn inaad furtid ilama qummana, aadna ka dhigtid go’aankii Isimmada waxba kama jiraan.
Xurugufta adiga iyo faroole idiin dhaxaysana waxaan ku talin lahaa ama inaad si toos ah isaga aragtaan ama aad la sugtid markay habboonaato ee aad masraxa siyaasadda kula hardantid.
Gunaanad: PL uma baahna xaalad abuur. Waa in shacabkeedu kala hadlaa dawladda wixii ku saabsan qaddiyadda doorashada iyo sidii ay ku noqon lahayd mid shafaafiyad ku dhisan. Nimaan idiin furi doonin yuusan idiin rarin. Haddii aad Ali aragteen, Warsamoow maandhow.
Waxaa Qorey Xildhibaan Xuseen khalif Jaamac (oo ka so jeeda Deegaanada Puntland)