Xildhibaan Xuseen Carab Ciise gudoomiyaha gudiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay amrayaan hay’adaha amniga ee dalka Soomaaliya inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay dilalkii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho ka dhacay.
Xildhibaanka ayaa sheegay in shirka dhanka amaanka ee ka soconaya magaalada Muqdisho uu yahay mid wanaagsan, laakiin xiligan aan la joogin waqtigii la shiri lahaa oo loo baahan yahay in waxqabad iyo ficil lala yimaado.
“In laga arinsadaa xaalada amaanka ee dalka waa Ok, laakiin xiligan waxaa loo baahan yahay ficil iyo waxqabad, in Muqdisho dil laga geysto lagama bixin magaalada waana in dadkaasi lasoo qabtaa”ayuu yiri xildhibaan Xuseen Carab Ciise.
Dhanka kale xildhibaanka ayaa sheegay in Xildhibaan Riino ay isla shaqeyn jireen oo uu kamid ahaa gudiga difaaca baarlamaanka, laakiin markii dambe uu ka baxay gudigaasi.
Wuxuu sheegay sugida dhanka amaanka ee magaalada Muqdisho ay u taalo xukuumada Soomaaliya iyo hayadaha amaanka, iyagana ay kula xisaabtamayaan, wuxuuna dilalka ku tilmamay inay xildhibaanada ku abuureyso kalsooni daro.
“Xildhibaano badan ayaa magaalada lagu dilay, oo midkii shalay u dambeeyay arintaasi anaga hayadaha amaanka ayay naga gelinaysaa kalsooni daro”sidaasi ayuu xildhibaanka hadalkiisa kusii daray.
Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada xildhibaankii shalay lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Idale News Online.