Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtey, Waxaan garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey xubno badan oo ka tirsan barlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiin kale. Waxaana Shariifka loo galbiyey guri ku yaala xarunta Villa Somalia oo uu horey u deganaa.
Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa Magaalada Dubai ee dalka Isu taga imaaraadka Carabta iyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa intii uu dalalkaasi ku sugnaa waday wada hadalo iyo xiriir uu la sameynaayo qeybaha kala duwan ee Soomaalida ka soo jeeda gobalada Koonfureed ee Soomaaliya si taageero uu uga helo dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo aan weli la isla meel dhigin tirada goballada uu ka koobnaan doono.
Warar hoose ayaa sheegaaya in beelaha qaarkood ay ku qanceen hindisaha maamul u sameynta Koonfur Galbeed Somalia ee uu Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan hor boodaaya waxaana dhinacyadaasi isla garteen in la tashiyada dhismaha maamulka Koonfur Galbeed la balaariyo lana sii wada, Isla markaasna gobalka Bay xaruntiisa Baydhabo la isugu yimaado kulamo lagu dardargelinaayo dhameystirka dhismaha maamul u sameynta gobalada maamulka Koonfur Galbeed Somalia hoos tagi doona.
Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi xildhibaano ay isku fikir yihiin ayaa maalmaha soo socda la filaaya in ay gaaraan degmada Baydhaba ee Gobalka Bay.
Guddoomiyihii hore ee Baralamanka KMG ahaa ayaa waxaa gurgiisa ku sugan tiro saxafiyiin ah oo sugaya in uu la hadlo. Warar hoose oo aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore ee Baralamanka KMG ahaa ee Shariif Xasan Sheekh Aadan uu damacsanyahay in uu ku soo hadalo arrimo u badan maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo bilihii ugu dambeysay isaga iyo saaxiibadiisa gobalada koonfureed ee Soomaaliya ay ku howlanaayeen dhismihiisa.
Idale News Muqdisho