Idalenew:Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa dhaliilay mowqifka Xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle, kaddib markii ay taageertay go’aankii Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle xilka uga qaadeen Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble.
Xildhibaan Qoono ayaa sheegay in go’aanka Xukuumadda uu ka muuqdo deg deg iyo fudeed, isagoo xusay in looga fadhiyay xal siyaasadeed oo degenaansho ku jirta in laga gaaro khilaafkaas Hirshabeelle.
“Mowqifka Xukuumadda ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee dowlad goboleedka Hirshabeelle wuxuu ahaa mid lagu deg degay, oo fudeed ku jiray, waxaa loo baahnaa in laga gaaro xal siyaasadeed oo degenaansho ku jirta”ayuu yiri Xildhibaan Qoono.
Xildhibaanka ayaa sheegay in mooshinkii xilka looga qaaday Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle uu ahaa mid aan sharci aheyn oo ay wadeen kooxo dano gaar ah watay, isagoo tilmaamay qof xanaaqay iyo koox gaar ah aysan ridi karin Madaxweyne, balse Baarlamaan oo isu yimaado ay ridi karaan.
“Ninkii marqaati beena furo, saddex qof ayaa og, Alle ayaa og, ninka uu u furay ayaa og iyo ninkuu ka furay ayaa og, marka waxaa leeyahay fudeed, deg deg iyo wada tashi la’aan ayuu ku yimid go’aankii Xukuumadda”ayuu yiri Xildhibaan Qoono.
14-kii bishan ayay aheyd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ay xilka ka qaadeen Madaxweynihii hore Cali Cosoble, inkastoo uu ka hor-yimid xil ka qaadistaas, kuna tilmaamay inay aheyd mid sharci darro ah.
Golaha Wasiirada ayaa kulan aan caadi aheyn oo maanta ay yeesheen waxay ku ayideen go’aankii Baarlamaanka Hirshabeelle ay xilka uga qaadeen Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, kaddib warbixin laga dhageystay wafdi Wasiiro ahaa oo safar xaqiiq raadin ah ku tagay todobaadkii hore magaalada Jowhar.