Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo laga soo musaafuriyay Somaliland

0
212

Maxkamadda Maroodi jeex ee Magaaladda Hargeysa ayaa amar ku bixisay in si deg deg ah loo musaafuriyo Xilshibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia kaasi oo laq sheegay inuu booqasho qarsoodi ah ku joogay Magaaladda Gibeley.

Maxkamadu waxay booliska ku amartay inay muddo 24 Saac gudohooda musaafuriyaan Xildhibaankaas oo lagu magacaabo Jaamac Axmed Maxamuud oo asal ahaan ka soo jeeda Beelaha Dega waqooyi galbeed Somalia.

Maxkamadda waxay ku ganaaxday Xildhibaanka lacag Dhan $150 Dollar iyadoo markuu qarashkaas bixiyana loo musaafurinaayo Magaaladda Muqdisho.

Taliyaha saldhiga Booliska ee Degmadda Gabiley, Dhame Suleeman Du’aale dhaga cadde, ayaa sheegay in Xildhibaankaas ka tirsan baarlamaanka Somalia la soo qabtay bilowgii bishan isagoo ku sugan deegankaas.

Idale News Muqdisho