(HOL) –Xildhibaan Iftiin Xasan Baasto oo kamid ah mudanayaasha aqalka sare ee baarlamanka dalka ee dhawaan lagu doortay Kismaayo oo wareeysi gaar ah siiyay shabakadda HOL ayaa sheegay in Al-shabaab ay xukun gaalnimo ah ku riday beel kamid ah beelaha dega Jubaland.
Xildhibaanka ayaa sheegay in maalmihii u danbeeyay deegaanada hoostaga Kismaayo ay ka jireen xiisado u dhexeeyay Shabaab iyo ciidamada Jubaland, kuwaa oo ka dhashay kadib markii ay uu iska horimaad dhex maray Shabaab iyo dad xoolalay ah oo ka biyo diiday xoolo ay Shabaabku sheegeen in ay yihiin Zako oo ay doonayeen in ay ka qaadaan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dadkii beeshaasi kasoo jeeday ee xoolalayda ahaa dhibaato ba’an lagu hayo, isagoo xusay in xoolalay badan oo markii hore ay heysteen dhibaatoon kasoo gaaray abaaraha ay haatan kasoo cararayaan dhulkii miyiga ahaa.