Xildhibaan Fowsiya Yuusuf “Baarlamanka Waa in Waqti Kordhin Loo Sameeya Si Doorasho Dalka Ay Uga Dhacdo”

0
564

Muqdisho(INO)-Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa ku baaqday in muddo kordhin loo sameeyo Baarlamanka dalka Somalia, iyadoo sheegtay in xilligaan dalka aysan doorasho ka dhici karin waqtiga oo cidhiidhi ah awgiis.

fowsiya

Iyadoo u waramaysay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho Fowsiya waxa ay sheegtay waqtiga oo aad u yar iyo shuruucda doorashooyinka dalka oo aanan diyaarsaneyn inay muhiim tahay in waqti kordhin loo sameeyo Baarlamaanka dalka si shuruucda doorashooyinka loo diyaariyo.

Waxa ay tilmaamtay in lix bilood ama sanad ay haboon tahay in loo kordhiyo Baarlamaanka si la isku waafajiyo shaqooyinka harsan iyo waqtiga, kadibna la diyaariyo habkii doorashada dalka ay u dhici laheyd.

“Laakiin Baarlamaanka lix bilood ama 12 bilood xitaa ha noqoto waa in la siiyaa  Baarlamaanka saddex sano ayuu soo shaqeeyay, wuxuu yaqaanaa shuruucda sida loo diyaariyaa waxa ay u baahan yihiin inaan la kala daadin oo aan la tuuryeyn si aanu dalka oo dhan dib u dhac ugu imaan waa in muddo yar la siiyaa Baarlamaanka oo loo kordhiya oo aan loo arkin in xil doon ama kursi jaceyl aysan aheyn, laakiin dalka ayaa bur buraya si wanaagsan loo diyaariyo shuruucda looga baahan yahay in doorasho lagu sameeyo.” Ayeey tiri Xildhibaanad Fowsiya.

Hadalka Xildhibaan Fowsiya wuxuu ifinaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ay qorsheynayaan inay waqti kordhin sameystaan marka la gaaro xilliga Dowladda Xasan Sheekh ay ku eeg tahay.

Hadii Baarlamaanka waqti kordhin sameysto, taasi macnaheeda waxa ay tahay in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud loo sameynaayo waqti kordhin in tallada dalka uu sii maamulaayo, xilli Madaxweynaha uu horay u cadeeyay in qorshaha Dowladiisa aysan aheyn inay waqtiga korarsato.

Sanadka 2016-ka Bartamihiisa ayeey ku eegtahay waqtiga Dowladda hada jirta, waxaana ka dhiman ku dhawaad sanad, taasi oo suuragelin karta in lagu diyaariyo shuruucda doorashooyinka dalka iyo waxyaabaha kale ee Saldhiga u ah Doorashada, sida Dastuurka oo afti loo qaado, balse Dowladda Xasan Sheekh ayaa ka gaabinaysaya howlahaasi oo dhan si ay ugu suuragasho waqti kordhinta.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here