Xildhibaan C/wali Cali Gaas oo gaarey Gaalkacyo, qorsheynayana inuu ka qeybgalo doorashada Madaxtinimada Puntland ee 2013

0
215

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somali Mudane C/weli Cali Gaas, haatana ah xubin ka mid ah barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaarey magaalada caasimada u ah gobalka Mudug ee Gaalkacyo, ka dib markii shaley uu si rasmi ah xilkii ra’iisul wasaare ugu wareejiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somali mudane Saacid shirdoon.

C/wali Gaas oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Galkacyo Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland, Odayaal iyo waxgarad.

Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in uu A/weli Ali Gaas bilaabi doono howlo ku saabsan midaynta siyaasiyiinta Puntland isagoona gacan ka heli doona Isimo katirsan kuwa Puntland balse lama hubo qorshaha rasmiga ah ee ku saabsan safarkiisa.

Hase ahaantee warar lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow Dr. Gaas ayaa sheegaya inuu qorsheynayo inuu u xuubsiibto siyaasada Puntland, isagoo doonaya inuu ka qeyb galo doorashada Madaxtinimada Puntland ee dhici doonta sanadka 2013.

Hadal uu u jeediyay dadkii soo dhoweeyay ayaa waxaa uu u sheegay inuu ka shaqeyn doono horumarinta Puntland.
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa hadal uu dhowaan jeediyay ku sheegay dadka doonaya inay madax ka noqdaan Puntland inay Xisbiyo siyaasadeed furtaan.

Horaanta sanadka cusub ayaa lagu wadaa inay dhacaan doorashada golaha deegaanka, iyadoo la dooran doono hogaanka Maamulka Puntland.

Idale News Punltand.
Abshir Saciid Abshir idalenews@yahoo.com