Xildhibaan Cabdisamad “Xukuumaddu waxay maalmaha soo socda heshiisyo la galeysaa Kenya”

0
241

Muqdisho(INO)— Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Xukuumadii KMG aheyd ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya maalmaha soo socda ay heshiisyo la galeyso dowladda Kenya.

Xildhibaan Cabdisamad oo ka hadlayay kulankii shalay ee Baarlamaanka Soomaaliya ee go’aan looga gaaray qaraar ka dhan ah dowladda Kenya oo la filayo in maalinta Isniinta laga soo saaro sharci.

“Waxaa jirta in maalmaha soo socda ay Xukuumadda qorsheyneyso inay heshiisyo la gashay dowladda Kenya, waxaa ka codsanayaa Xukuumadda inay heshiisyadaas dib u dhigto”ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Baarlamaanka looga baahan yahay in deg deg sharci gaar ah uga soo saaro qaraarkaas oo qodob ka mid ah qeexaya in Ciidamada Kenya ka baxaan Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Khaalid Cumar Cali ayaa sheegay in heshiisyadaas aanay aheyn kuwa Badda ama xuduudaha, balse ay yihiin heshiisyo quseeya cilaaqaadka labada dal iyo wada shaqeyn.

Si kastaba ha ahaatee maalinta Isniinta ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka sharci ka soo saaro darbiga ay kenya ka dhisneyso xuduuda, taasoo qeyla dhaan xoogan ka keeneen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here