Muqdisho(INO)-Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir, ayaa runta ka sheegay xaalada dhabta ah ee ka taagan xabsiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku hayso ee lagu xiro dadka galay dambiyada kala duwan.
Axmed Cali Daahir wuxuu sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay haysato maxaabiista, isaga oo sheegay in maxaabiista dhinac waliba ay ka dhiban yihiin.
Dhibaatada xabsiyada ka taagan ayaa wuxuu ku sheegay dhanka caafimaadka oo liidata, maxaabiista oo aanan helin raashin ku filan iyo sidoo kale inaysan helin maxaabiista gogol wanaagsan oo ay ku seexdaan.
Xeer ilaaliyaha wuxuu tilmaamay in xabsiyada Dowladda uusan ku tilmaami karin xabsi, balse uu ku tilmaamayo meelo lagu ciqaabo dadka, maadaama maxaabiista aysan helin xuquuqdii loogu talo galay in xabsiyada ay ka helaan.
“Xabsiyadeena waxaan ku tilmaami karaa meelo dadka lagu ciqaabo, maxaabiista ma helaan adeeg caafimaad, waxyaabo ay ku seexdaan iyo sidoo kale raashin ku filan intaba.” Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlaayay xaflad xilka uu kula wareegaayay Taliyaha cusub ee ciidamada Asluubta Soomaaliya.
Axmed Cali Daahir sidoo kale wuxuu sheegay in xabsiyada iminka ay yar yihiin, lana doonaayo in dib loo howlgaliyo xabsiyadii hore ee shaqeyn jiray, si maxaabiista loogu kala nasiyo oo ay nafis u dareemaan.
Xabsiga dhexe ee Xamar oo ah Xabsiga ugu weyn ee hada shaqeeya ayaa waxaa lagu xiraa dad aad u badan, marka loo eego tirada dadka ku xiran iyo inta loogu talo galay in xabsiga lagu xiro farqi weyn ayaa u dhaxeeya, waana taasi mida keenaysa caafimaad darada iyo dhibaatooyinka xabsiga ka dhasha.
Idale News Online, Muqdisho



