Waxaa Gelinkii dambe ee shalay ka dhacday inta u dhaxeysa deegaanada Leego iyo Yaaq-bariweyne in Gaari Bl- ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah uu ku dul habsaday madfac aan la aqoon halka uu ka yimid.
Wararka ayaa sheegaya inay geriyoodeen inta badan rakaabkii saaranaa gaariga Soomaalida u taqaano Homey ama caasiga kaasoo ka soo amababaxay deegaanka Leego o ka tirsan gobolka Shabeelada hoose.
Madfaca cida soo gantay lama oga, hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in gaariaga uu ku soo dhawaaday goob ay ku dagaalamayeen ciidamada Dowlada oo garab ka helaya AMISOM iyo kuwa Ururka Al-shabaab.
Tirada saarneyd gaariga lama sheegin inat ay aheyd hase yeeshee waxaa la soo warinayaa inay geeriyoodeen dadkii saarnaa badankood inta soo hartay ay dhaawacyihiin, lamana sheegin cid u gurmatay kuwa dhaawaca ah.
Dhinaca kale waxaa adag in warbxin rasmi ah laga helo inta uu la’egyahay qasaaraha soo gaaray rayidka saarnaa gaariga maxaa yeelay waxaa halka amuurta ay ka dhacaday isku horfadhiya oo u dagaalamaya xoogaga Al-shabaab iyo kuwa dowlada
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com