Xasan Sheekh “Baydhabo uma tagin inaan Ololaheyga doorashada ka bilaabo”

0
212

Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ujeedada safarka uu ku tagay magaalada Baydhabo aanu aheyn inuu ka bilaabo ololihiisa doorashada, balse muhiimada safarkiisa ay tahay in la helo Baarlamaan lagu soo doorto watqigii loo qabtay.

Hadal u muuqday mid uu ku difaacay safarkiisa Baydhabo oo warar kala duwan ka soo baxayeen ayuu ku sheegay in Musharaxnimadiisa uu labo sano ka hor sheegay, isla markaana Ololihiisa doorashada uu bilaabi doono marka la soo doorto Baarlamaanka labada aqal

“Musharaxnimadeyda labo snao ka hor ayaa sheegay, ma qarin, maadaama hal qof iyo hal cod jirin, uma imaan Baydhabo ololaha doorashadeyda inaan ka bilaabo, doorashada inay dhaqan gasha u imid, maalinta 329 xubnood oo Baarlamaanka labada aqal la keeno, maalintaas ayuu bilaabanayaa Ololaheyga Musharaxnimada”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo si sarbeebsan uga jawaabayay hadal heynta ku aadan inuu Baydhabo uga taba tagay Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo horaantii todobaadkan booqday.

Xasan Sheekh oo sii hadlayay ayaa yiri “Olole doorasho yaa laga dhex sameeyaa, cida codka bixi laheyd, cida codka bixi laheyd laheydna wali ma naqaano, safaradeeda muhiimdadooda waxay tahay in Baarlamaan la helo, waqtigii loo qabtay lagu helay, wax aan ku mashquulsanahay waaye, ee haley doorto ma ahan”.

Waxaa uu sheegay inuu dhowaan booqan doono magaalooyinka kale dowlad goboleedyada, si uu u xaqiijiyo in aanu dib u dhac u dhicin sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa inuu soo gaabiyay safarkiisa oo markii hore qorshuhu ahaa in ilaa maalinta Khamiista inuu sii joogayo magaalada Baydhabo.

Horaantii todobaadkan ayay aheyd markii magaalada Baydhabo uu booqasho ku tagay Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad doorashada Madaxweynaha, isla markaana ka mid ah ragga loolanka adag uu kala kulmayo Madaxweynaha xilka haya.

Musharaxiinta qaar ayaa lagu wadaa inay dhowaan tagaan magaalada Baydhabo, si ay ololahooda doorashada uga bilaabaan, waxaana magaalada Baydhabo lagu soo xulayaa Xildhibaanada ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle oo ah kuwo ugu badan ee Baydhabo kaliya lagu soo xuli doono, waxaana durbaba muuqata in halgan iyo dadaal loo galayo sidii Odayaasha iyo ergada soo xulaya Xildhibaanada kalsooni looga dhex sameysan lahaa..